Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa ku riday xukun gaaraya 80-sano nin lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa waxa reer galbeedku ay ugu yeeraan Argagixisada kaasi oo taageeray ficilo iyo kooxo waxa loogu yeero Argagixisada Gudaha dalka Kenya.
Maxkamadaan oo ku taala magaalada Niarobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku heshay Abdirizak Muktar Edow in uu xubin ka ahaa Xarakada Al-Shabaab.
Abdirizak Muktar,oo hadda 24-sano jir ah , ayaa waxaa laga xiray bishii June 2014 degaanka Masai Mara .
Xeer illaa maxkamada ayaa sheegay in Muqtaar uu si joogto ah xiriir ula lahaa nin horay uga tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Sheikh Hassan alias Blacky,oo horay booliska dalka Kenya ay ugu dileen Magaalada Mandera bishii May May sanadkii 2014-tii,asaga iyo nin kale oo baxsaday ayaa lagu eedeeyay in ay isku diyaarinayeen in ay weeraro fuliyaan.
Xeer illaaliyaha Maxkamada dalka Kenya ayaa sheegay in Muktar uu ku shaqayn jirayn kiraynta baabuurta Magaalada Mandera islamarkana gaarigiisa laga helay waxyaabaha qarxaha.

