Maxkamad ku Taala Kenya oo Xukun Gaaraya 80-sano ku Ridey Nin Lagu Eedeeyay in uu ka Tirsanaa Al shabaab.

0

Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa ku riday xukun gaaraya 80-sano nin lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa waxa reer galbeedku ay ugu yeeraan Argagixisada kaasi oo taageeray ficilo iyo kooxo waxa loogu yeero Argagixisada Gudaha dalka Kenya.

Maxkamadaan oo ku taala magaalada Niarobi  ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku heshay Abdirizak Muktar Edow in uu xubin ka ahaa Xarakada  Al-Shabaab.

Abdirizak Muktar,oo hadda  24-sano jir ah , ayaa waxaa laga xiray  bishii June 2014 degaanka Masai Mara .

Xeer illaa maxkamada ayaa sheegay in Muqtaar uu si joogto ah xiriir ula lahaa nin horay uga tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Sheikh Hassan alias Blacky,oo horay booliska dalka Kenya ay ugu dileen Magaalada Mandera bishii May May sanadkii 2014-tii,asaga iyo nin kale oo baxsaday ayaa lagu eedeeyay in ay isku diyaarinayeen in ay weeraro fuliyaan.

Xeer illaaliyaha Maxkamada dalka Kenya  ayaa sheegay in Muktar uu ku shaqayn jirayn kiraynta baabuurta Magaalada Mandera islamarkana gaarigiisa laga helay waxyaabaha qarxaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here