Dowlada Mareykanka ayaa Mar kale celisay in ay baaritaano dheeri ah ay ku sameyn doonto duqeyntii dhawaan la fuliyay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug taasi oo sababtay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaartay Ciidamo ka Tirsan kuwa Galmudug.
Mareykanka ayaa wali ku adkesanaysa in duqeyntaas lagu dilay askar fara badan oo ka Tiirsanaa Xarakada Al-shabaab oo xiligaas ku sugnaa Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in duqeyntii ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Mareykanka uu Fuliyay In lagu dilay 22-askari oo isugu jirey kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Galmudug oo xiligaas deegaanka ku sugnaa.

