Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.
Mudane Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga AfrikA ee AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, isagoo Xusay in ay ka saareen boqolkiiba \
75% Dhulki i ay Al-shabaab ka talin jiray, haatana ay qaybta kale kula dagaalamayaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Wuxuu Xusay in Sannadihii u Dambeeyay ay Al-shabaab billowday Weerarro Cusub oo u badan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo kale oo gaadmo ah, taasoo uu xusay inay muujinayso inay ku guul-dareysteen weerarradii tooska ahaa.
Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday wadamada Caalamka in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka Gacan siiyaan sidii loo cirib tiri lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

