Dowlada soomaliya ayaa si kulul kaga hadashay dhaawicii Maanta loo geystay Mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka dowlada soomaliya kasoo lagu magacaabo Maxamed Axmed Gurxan,
Wasiirka warfaafinta xukuumada soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada soomaliya ay ku raad joogaan ragii ka dambeeyay weerarkii Maanta lagu dhaawacay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka dowlada soomaliya.
Maxamed Cabdi xayir Mareeyee ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada soomaliya ay ka war sugayso ciidamada Hay’ada Nabad sugida dowlada soomaliya oo baaritaano ku haaya Raga Maanta dhaawaca u geystay xildhibaanka dowlada soomaliya ka Tirsan.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta xukuumada soomaliya ayaa Tilmaamay in Xildhibaanka uu afar goobood ka dhaawacmay, isla-markaana ay rasaasta ugu daran kaga kala dhacday daanka, caloosha iyo gacanta
Saakay ayay aheyd Markii Koox Hubeysan ay ku dhaawaceen degmada xamar Weyne ee Gobolka Banaadir mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka dowlada soomaliya.

