Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Muqdisho + Sawiro

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turky-ga

Wafdiga Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya  waxaa Hogaaminaysay gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) waxayna dalka Turky-ga kor joogto ay kaga ahaayeen doorashadii Baarlamka dalka Turky-a uu dhawaan ku guuleystay xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweynaha wadanka Turky-ga

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliima Yareey  oo warbaahinta Garoonka Muqdisho kula Hadashay ayaa sheegtay  inay lasoo kulmeen Guddiga Doorashooyinka Dalka Turkiga oo ay hashiis ku wada gaareen arrimo ay kamid tahay inay tababaro siiyaan xubnaha iyo howlwadeenada guddiga Madaxa banaan.

Safarkii ay dhawaan ku Tageen wadanka Turky-ga Guddiga madaxa banaan waxaa kaga Horeeyay mid ay ku Tageen wadanka Tanzania oo dhawaan lagu qabtay doorashinka Guud ee Madaxtinimo   dalkaas.

vlcsnap-2015-11-07-16h12m57s174 vlcsnap-2015-11-07-16h13m01s217 (1) vlcsnap-2015-11-07-16h13m01s217 vlcsnap-2015-11-07-16h13m29s240 vlcsnap-2015-11-07-16h13m33s26 vlcsnap-2015-11-07-16h13m54s236 vlcsnap-2015-11-07-16h14m07s103

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here