Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turky-ga
Wafdiga Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya waxaa Hogaaminaysay gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) waxayna dalka Turky-ga kor joogto ay kaga ahaayeen doorashadii Baarlamka dalka Turky-a uu dhawaan ku guuleystay xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweynaha wadanka Turky-ga
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliima Yareey oo warbaahinta Garoonka Muqdisho kula Hadashay ayaa sheegtay inay lasoo kulmeen Guddiga Doorashooyinka Dalka Turkiga oo ay hashiis ku wada gaareen arrimo ay kamid tahay inay tababaro siiyaan xubnaha iyo howlwadeenada guddiga Madaxa banaan.
Safarkii ay dhawaan ku Tageen wadanka Turky-ga Guddiga madaxa banaan waxaa kaga Horeeyay mid ay ku Tageen wadanka Tanzania oo dhawaan lagu qabtay doorashinka Guud ee Madaxtinimo dalkaas.








