Dunida aynu joogno maalin walba waxbaa lagu arkaa oo ku cirmo qaadasho mudan dalka India waxaa ku nool Gabar aan laheyn san iyo indho iyadoona dhaqaatirta ugu waa weyn dalka india ay u sheegeen qoyskeeda in aysan waxba ka qaban Karin xaaladeeda Caafimaad.
Khadija Khatoon waa 21-jir ku nool dalka india indhaheeda. Sankeed. Iyo afkeeda waa kuwa isku dhagan iyadoona waxba arkin waxna aan ururin sida ay sheegeen qoyskeeda.
Dhanka kale Hooyadeed oo lagu magacaabo Amina Bibi ayaa saxaafada u sheegtay in gabadheeda Khadija Khatoon ay cudurkaan ku dhalatay markii Hore dalka Hindiyana wax loogu qaban waayay.








