Kooxo Hubeysan oo Bambaanooyin  ku Weeraray Xarunta degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Maanta Bambaanooyin ku weerareen xarunta degmada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan ay maanta tiro Bambaano ah ay ku weerareen xarunta degmada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

Dhanka kale Maxamed shiino waxa uu beeniyay wararka ku aadan in qasaaro uu ka dhashtay weerarkii bambaano ee Maanta lagu qaaday xarunta degmada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

Warar hoose oo idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay halayso ayaa sheegaya in qasaaro uu soo gaaray dadkii ku sugnaa xarunta degmada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here