Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa aaminsan in kooxda Chelsea ay dib kaga soo laaban doonto guuldarooyinkii soo gaaray kulamadii dambe.
Chelsea ayaa 11-dhibcood aruursatay 11-kulan ay xili ciyaareedkaan ciyaartay dhamaan kulamada Horyaalka dalka Ingiriiska taasi oo ka dhigan in kaalinta 15-aad ay fadhiso kooxda Galbeedka London.
Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa haatan laga joogaa 6-bilood markii ay ku guuleysatay Horyaalka dalka Ingiriiska iyo koobka League.
Laakin daafaca Heerka caalami ee xulka dalka Serbia ayaa u sheegay Sky Sports in la gaaray xiligii ay guulaha gaari laheyd kooxda Chelsea

