Midowga afrika ayaa dalbaday deeqo caaalami si ciidamada amisom ay ula dagaalamaan xarakada al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Taliye ku xigeenka ciidamada Amisom Gen. James Nakibus Lakara oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in lacago badan iyo deeqo caalami ah loo baahan yahay si loosiii wado dagaalada lagula jiro al-shabaab iyo kala wareegida goobaha ay wali kaga sugan Yihiin Gobolada dalka soomaliya.
Dhanka kale Taliye ku xigeenka ciidamada amisom Gen. James Nakibus Lakara ayaa Tusaalo u soo qaatay in ciidamada amisom ay Taageeri u Fadhiyeen dadka ku Nool degmada Diinsoor ee Gobolka Baay isagoona sidoo kale Tilmaamay in Gobolada ay la wareegeen ciidamada amisom ay xiligaan ka jirto nabad iyo Barwaaqo.
Ciidamo ka socda wadamada Kenya , Ethopia, Uganda, Brundi ayaa ku sugan wadanka soomaliya iyagoona Taageeraya ciidamada dowlada soomaliya oo dagaal kula jira xarakada al-shabaab

