Magaalada Caabud-waaq Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Galmudug ayaa u Magacaabay Maamul Cusub iyagoona sidoo kale Badalay Maamulkii Degmadaasi ka jiray.
Xubnaha Maamulka la badalay ayaa sheegaya xilligaan in aysan ka warqabin isbadalka Dhinaca Maamulka ah ee ay sameeyeen masuuliyiintaan Ka Tirsan Maamulka Galmudug.
Khaliif C/Samad Cali oo ahaa Gudoomiyihii Arimaha Bulshada Maamulkii la badalay ayaa u sheegay Idaacadda Simba in ka Maamul ahaan aan lasoo ogeysiin isbadalkaasi dhacay oo uu sheegay inuu yahay mid si kali ah ay u go’aansadeen Madaxda Maamulka Galmudug ee Cadaado ku sugan.
Waxaa uu sheegay in Madaxda Maamulka Galmudug qudhoodu ay isku qilaafsanyihiin Maamulka Cusub ee laga dhisay Magaalada Caabud waaq ee Gobolka Galgaduud.
‘’ Raali Waan ka nahay Waliba si buuxda Sameynta isbadalka Dhinaca Maamulka ah ee laga sameeyey Caabud waaq balse waxaa ay ahayd in si nidaam ah loo wajahao’’ ayuu yiri Khaliif Cabdi Samad Cali gudoomiyihii Arimaha bulshada Maamulkii Degmada Caabud waaq.
Markii la Magacaabayey islamarkaana ay Xilka la Wareegayeen ayuu sheegay inay Goobjoog ahaayeen Wasiirro iyo Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayna habooneyd in Meel sidaa oo kale ah xilka looga qaado.
Halkaan ka dhageyso Codka.

