Howlgallo Waddo Furid ah oo ka bilowday Hiiraan.

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee Amisom ayaa lagusoo waramayaa in maanta ay howlgal ay ku doonayaan In ay isugu furan Wadada isku xirta Magaalooyinka Baladweyn iyo Bulaburde waxaana ciidanka oo gaadiid Dagaal wata ay u ruqaansadeen dhanka wadada.

Saraakiish Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraann oo la hadaklay Radio Simba ayaa xaqiijiyey in amarkaan wado furidda uu kasoo baxay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom.

Deegaanada U dhexeeya Magaalooyinka Beledweyn iyo Buulaburde ee Gobolka Hiiraan ayaa Waxaa Fariisimo ku leh Ciidamo ka Tirsan Dagaal yahanada Al-shabaab waxaana inta badan Waddooyinkasi ay yihiin Kuwa Go’doonsan ka dib Markii alshabaab ay diideen in laysaga kala goosho Magaalooyinkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here