Wararka haatan ka imanaaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya In Gabi Ahaanba hawada laga saaray isgaarsiintii degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Maamulka degmada Baardheere ee Dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlayaan sabibihii ka dambeeyay in hawada laga saaro isgaarsiintii degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Dadka deeganka degmada Baardheere oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In Gabi Ahaanba saakay hawada Laga saaray isgaarsiinta waxayna sidoo kale Tilmeemeen in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia ay Howlgalo ka sameynayaan xaafadaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Tan iyo markii ciidamada dowlada soomaliya oo Garab ka helaya ciidamada Amisom ay La wareegeen Gobolka gedo waxaa ka dhacayay gobolka weerar al-shabaab ay kusoo qaadayeen Gudaha degmadaas.

