Milkiilaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa hoos u dhigay wararka ku aadna in ay lasoo wareegayaan laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo
Kadib markii kooxda dalka France ay guuldaro kala kulantay kooxda Real Madrid ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu kulan ka Tirsan Champions League ayuu saxaafada u sheegay Al-Khelaifi in aysan jirin wararka ku aadan in ay lasoo wareegayaan laacibka heerka caalami ee xulka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo
Cristiano Ronaldo Gool dhaliyaha ugu sareeya Real Madrid ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirnaayay kooxda caasimada dalka France markuu dhaco heshiiska uu kula jiro kooxda dalka Spain ee Real Madrid.

