C/raxmaan Tuur Yare Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka dowlada soomaliya oo warbaahinta la Hadlaayay ayaa Tilmaamay in Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ay ku guuleystay Helida qalab sheegaya waxyaabaha qarxa xiliga ay wadaan Howlgalada amaanka Lagu xaqiijinaayo.
Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ciidamada dowlada iyo dhamaan laamanaha amaanka dalka ay diyaar u Yihiin ka Hortagida falalka amniga Lidiga ku ah.
Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa imaanaya xili Todobaadkaan Gudihiisa weerar qorshaysan lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho.

