Wararka saakay aynu ka heleyno deegaanada Taabta iyo Qooqaane oo ka wada Tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in deganaanshiyo aanan caga buuran ku taagneen in ay ka jirto iyadoona ciidamada katirsan kuwa Kenya ay kusii wajahan yihiin Deegaanka Taabta.
Dagaalo halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab iyadoona dadka deeganka ay sheegayaan in dagaalkaasi uu geystay Qasaare ku kooban kooxihii halkaasi ku dagaalamay maadaama ay horay ugu barakaceen badi dadkii Deegaanka ku nolaa.
Isgaarsiinta oo Xalay Hawada laga saaray ayaa saakay dib loosoo celiyey iyadoona dadka Deegaanka oo ku sugan meel aanan sidaasi ugu fogeen ay inoo sheegeen in Xiliyada ay ciidamada Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ay marayaan deegaanada jubada Hoose ay Hawada ka saaraan isgaarsiinta.
Dhinaca kale magaalada kismaayo waxaa kulan qarsoodi ah kuwada yeeshay hogaamiyaasha Maamulka Jubbaland, saraakiisha Ciidamada maamulkaasi iyo waliba saraakiisha sar sare ee ciidamada Kenya ee ku howlgala magaca AMISOM.
Kulankaasi ayaa la sheegayaa in looga arinsanayay sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada jubbaland iyo kuw AMISOM sidii ay ula wareegi lahaayeen degmooyinka G/J/Dhexe sida uu horay u balan qaaday hogaamiyaha Maamulka Jubbaland axmed Madoobe.

