Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdi uu Hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo dhawaan ka qeyb galay shirka Wasiirada Shaqada ee Dalalka Islaamka oo dhawaan lagu qabtay wadanka Indonesia ,
Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde waxaa kusoo dhaweeyay madax ka Tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada isagoona warbaahinta kula Hadlay isla garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho
Wasiir Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa sheegay In shirkii Lagu qabtay Magaalada Jakaarta ee Dalka Indonesia ay faaido badan ugu jirtay wadanka soomaliya isagoona sidoo xusay in dalka Indonesia uu kula kulmay Wasiirka Shaqada ee Dalka boqortooyada Sacuudiga Dr Mufaraj oo ay isku afgarteen arimo badan oo ku aadan sidii shaqo loo siin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay.








