Wararka haatan naga soo gaarayaa deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Iskuduwihii wasaaradda beeraha iyo waraabka Maamulka Puntland Allaha unaxariistee Cali Jaamac Xasan uu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay halka looyaqaano Meerka meerka magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.
Agaasimaha waaxda biyaha iyo dhulka ee wasaaradda beeraha Maamulka Puntland Cabdi Nuur Cali Jaamac oo warbaahinta la Hadlay ayaa xaqiijiyay in Iskuduwihii wasaaradda beeraha iyo waraabka Maamulka Puntland uu geeriyooday xili shil gaari uu ku galay meel la yiraahdo Meerka meerka
Dhanka kale Allaha unaxariistee, Cali Jaamac Xasan ayaa kusii jeeday magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna la socday gaari rakaab ah oo ku rogmaday Meermeerka xilli halkaas ay ka da’ayeen roobab mahiigaan.

