Wasiirka Arimaha Gudaha oo Laamaha Amaanka Ugu Baaqay Wax ka Qabashada dadka isticmaala Maan dooriyaha.

0

Wasiirka Arimaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa oo saxaafada la Hadlay ayaa ugu baaqay dhamaan laamaha amaanka in wax laga qabto  dadka isticmaala waxyaabaha Maanka dooriya.

Wasiir C/raxmaan Maxamed xuseen  Odawaa ayaa cadeeyay in Nawaaxiga Xeebta Curubo iyo Masaajidka Sheekh Aweys ee agagaarka Ceelgaabta in si joogto ah loogu cabo Khamriga, wixii ka dambeeyo Maqribkii

Dhanka kale wasiirka C/raxmaan Odowaa ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf  xuseen Jimcaale (Madaale) iyo dhamaan laamaha Gobolka Banaadir in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax kaga qabtaan dadka goobahaas qamriga iyo calaqa ku caba

Hadalka wasiir arimaha Gudaha Dowlada soomaliya Mudane C.raxmaan Maxamed xuseen odowaa  ayaa imaanaya xili Meelo kale oo ay ka mid tahay Xeebta Liido  lagu isticmaalo waxyaabaha Maanka dooriya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here