Maamulka Degmada Buulo Burde ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay gadiid ay la haayeen Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka amisom oo gabdho yar yar ku jiiray degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Duqa degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Cusmaan geedi Cilmi oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ay jirto arinta jiirida Gabdhaha xiligaana losoo qaaday Gudaha Magaalada Muqdisho si xaaladooda wax loogu qabto.
Sidoo kale Duqa degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan waxa uu xaqiijiyay in mid kamid ah afartii gabdhood uu jiiray gadiidka ciidamada amisom ay ku dhimatay isbitaalka degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

