Dhaawacyada Sadex Gabdhood oo uu jiiray Gaari ay Lahaayeen Ciidamada Amisom ayaa loo Soo Qaaday Muqdisho

0

Maamulka Degmada Buulo Burde ee dowlada soomaliya  ayaa ka warbixiyay gadiid ay la haayeen Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka amisom oo gabdho yar yar ku jiiray degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Duqa degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Cusmaan geedi Cilmi oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ay jirto arinta jiirida Gabdhaha xiligaana losoo qaaday Gudaha Magaalada Muqdisho si xaaladooda wax loogu qabto.

Sidoo kale  Duqa degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan  waxa uu  xaqiijiyay in mid kamid ah afartii gabdhood uu jiiray gadiidka ciidamada amisom ay ku dhimatay isbitaalka degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

110101_018

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here