Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo Tiro ka Tirsan Golaha wasiirada dowlada soomaliya ayaa Maanta ka qeyb Galay salaadii Janaasada Marxuum C/kariin Dhega-badan Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka soomaliyeed.
Masaajidka weyn ee ku dhaxyaala Madaxtooyada soomaliya ee Shuhadaa ayaa Marxuum C/kariin Dhega-badan Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Salaada Janaasada lagula dukaday, halkaasi oo loogu duceeyay Marxuumka
Allaha u naxariistee Marxuum Dhega-badan Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu wado in lagu aaso saacadaha soo socda
Dhanka kale Qaban-qaabada aaska Marxuum Dhega-badan Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka ayaa haatan Laga dareemayaa degmada xeraale ee Gobolka Galgaduud ee Bartmaha dhulka soomaliya.
Marxuum Dhega-badan Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka soomaliyeed ayaa shalay ku geeriyooday weerarkii Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkaas








