Askari ka Tirsanaa Ciidamada Puntland oo askar ku Toogtay Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari

0

Wararka aynu ka heleyno deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha gal-gala ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada daraawiisha Maamulka Puntland uu rasaas ku furay askar kale oo la sheegayo in ay gaarayeen 5-ruux.

Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in askariga toogashada sameeyey uu goobtaasi ka baxsaday inkastoo isku dayo lagu doonaye in Gacanta lagu dhigo askarigaasi ay sameeyeen ciidamada goobtaasi ku sugan.

Waxaana la shaaciyey in ay markale Rasaas ay is weydaarsadeen askarigii dhacdadaasi geystay iyo ciidamada doonaye in ay Gacanta kusoo dhigaan askari.

Wararkii ugu dambeeyey aynu ka heleyno buuraha gal-gala ayaa sheegaya in ugu dambeyn askarigaasi ay toogteen ciidamada uu katirsanaa maadaama ay ku guul dareesteen in si nabad galyo ah ay Gacanta ugu dhigeen gacan ku dhiiglahaasi.

Saraakiil katirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in askariga dhacdaani geystay uu ahaa mid maskaxda loogu jiray taasine ay ku sababtay in uu rasaaseeyo ciidamada katirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here