Macalinka kooxda Crystal Palace Alan Pardew ayaa sheegay in juhdi badan ay galiyeen sidey u celin lahaayeen laacibka kooxda Manchester United Anthony Martial
Kooxda Red Devils ayaa ku guul dareysatay in wax gool ah ay dhaliso kulankii ay booqdeen garoonka Selhurst Park taasoo ka dhigan in 3-kulan ay ciyaartay mudooyinkii dambe aysan wax Gool ah dhalinin kooxda
Martial ayaa macalinka kooxda Manchester United wax uu adeegsanaayay booska Garabta taasi oo keentay in ay yaraato goolashii uu dhalin jirey laacibka reer France Anthony Martial
Macalinkii Hore ee kooxda Newscastle United Alan Pardew ayaa saxaafada u sheegay in xidiga kooxda Crystal Palace aysan xidiga Anthony Martial u ogalaanin Fursad uu wax gool ah ku dhaliyo

