Kooxda Real Madrid ayaa dib u helaysa laacibkeeda Gareth Bale oo dhawaan ku dhaawacmay kulankii Real Madrid ka guuleystay kooxda Levante bishii aynu soo dhaafnay.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Wales ayaa dhawaan kasoo laabtay ciyaaraha caalamiga wuxuuna kooxdiisa u saftay kaliyah 45-daqiiqo guushii ay ka gaareen kooxda Levente ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.
Weeraryahankaas ayaa shaki la galinayaan in uu safto kulanka ay Todobaadkaan la ciyaarayaan kooxda Paris Saint-Germain ciyaaraha Champions League Halka sidoo kale kooxda uu ka Maqan yahay laacibka daafaca ka ciyaara ee Dani Carvajal

