Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)   oo Maanta xilka la wareegaya

0

Waxaa Maanta lagu wadaa in Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  uu xilka kala wareego Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir xasan Maxamed xuseen Mungaab,

Qaban-qaabada xil wareejinta Gudoomiyihii ee gobolka Banaadir ayaa saakay Laga dareemayaa xarunta dowlada Hoose ee Maamulka gobalka Banaadir waxaana ka qeyb galaya xaflada xil wareejinta Madax dowlada soomaliya ka Tirsan.

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa dhawaan kormeero ku tagay xafiisyada maamulka Gobolka Banaadir waxaana Ku wehliyay Kormeerkaas Gudoomiyihii ee Gobolka Banaadir xasan Maxamed xuseen Mungaab iyo qeybaha uu Maamulka Gobolka Banaadir ka kooban yahay.

Dhawaan ayay aheyd Markii wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh  Maxamuud xilkii  loogu qaaday Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir xasan Maxamed xuseen Mungaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here