Dowlada Wadanka Kenya ayaa sheegtay in Muwaadin u dhashay wadankeeda uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii shalay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Diblomasiyiin kale ayay dowlada Kenya sheegtay In ay ka baxsadeen weerarkii al-shabaab ay ku soo qaadeen Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho haatana ay Yihiin kuwa Bad qaba sida ay sheegtay dowlada wadanka Kenya
Wasaarada arimaha dibada dowlada wadanka Kenya ayaa sheegtay in diblomaasi aan magaciiisa aan la shaacin oo Kenya u dhashay uu qeyb ka ahaa 12-qof oo ku dhimatay weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii shalay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho weerarka waxaa ku dhintay Madax dowlada soomaliya ka Tirsan, ganacsato, iyo dad Rayid ahaa.

