Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya In Koox Hubeysan ay Maanta Bambo Gamceed ku weerartay saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose
Gudoomiyaha Magaalada Marka ee dowlada soomaliya Maxamed cusmaan Yariisow oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Rag hubeysan Maanta Barqadii ay bambo gacmeed kusoo Tuureen saldhiga Booliska Magaalada Marka Markii dambana ay ka baxsadeen Goobta
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in aysan jirin askar wax ku Noqotay weerarkii Maanta Lagu soo qaaday saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose
Maxamed osmaan Yariisow ayaa sheegay in ay socdaan Howlgalo Lagu Baadi Goobayo ragii ka dambeeyay weerarkii bambo gamceedka Maanta Lagu soo qaaday saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

