Dhageyso: Koox Hubeysan oo Bambo Gamceed ku Weerartay Saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya In Koox Hubeysan ay Maanta Bambo Gamceed ku weerartay saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

Gudoomiyaha Magaalada Marka ee dowlada soomaliya Maxamed  cusmaan Yariisow oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Rag hubeysan  Maanta Barqadii ay bambo gacmeed kusoo Tuureen saldhiga Booliska Magaalada Marka Markii dambana ay ka baxsadeen Goobta

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in aysan jirin askar wax ku Noqotay weerarkii Maanta Lagu soo qaaday saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

Maxamed osmaan Yariisow ayaa sheegay in ay socdaan Howlgalo Lagu Baadi Goobayo ragii ka dambeeyay weerarkii bambo gamceedka Maanta Lagu soo qaaday saldhiga Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

codka Gudoomiye Yariisow

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here