Duqa Muqdisho“Askarta Wadooyinka Taagan Waxaa Laga Doonayaa in ay Yeeshaan Dareen ka Duwan Midka Shacabka”,

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadllay ayaa dhaliil u jeediyay laamaha amaanka dalka oo ku aadan sida ay  u suggaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

“Ammaanka sidii la rabay maaha, waxaad mooddaa inuu jilicsan yahay, Feejignaan badan ayaan muuqan, Ciidamada amaanka ma ahan kuwa u diyaarsan sugida amaanka al-shabaab dharaar cad ayay weerar ka geystaan magaalada iyagoo weeraraya goobaha muhiinka ee dowlada soomaliya ayuu yiri”, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

“Waxaan la hadlayaa askarta wadooyinka taagan,  Iyaga waxay leeyihiin dareen ka duwan midka shacabka, waxaa laga rabaa in markasta uu dareenkoodu sareeyo, waxaa laga rabaa in ay baaritaano joogto ah ku sameeyeen gaadiidka ayuu mar kale yiri”, Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kusoo beegmaya iyadoo Magaalada ay todobaadyadii ugu dambeeyay ay qaraxyo ka dhaceen amaanka Gobolka Banaadir tan iyo markii gacanta loo galiyay maamulka Gobolka Banaadir waxaa muuqatay in gacanta uu ka baxay amaanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here