Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka.
Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka, Mas’uuliyiinta uu horkacayay wasiirka arrimaha Gudaha waxaa kusoo dhaweeyay Howlwadeenada xarunta oo warbixin kasiiyay wasiirka Howlaha ay qabato Hay’adda.
Guddomiyaha gudigga Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka, Axmed Daahir Cabdikariin ayaa wasiirka sharaxaadka ka siiyay waxa ay qabato xarunta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa bogaadiyay Holwadeena xarunta isagoo u rajeeyay In ay ku guuleystaan shaqadooda.
“Waxaan ku bogaadinayaa aan u shegayaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenadaba in shaqaalaha la tababbaro, lagu tababbaro macaamilka dadka idiin imaanaya la ogaado maalintaas adeega loo qabanayo, in aad kormeertaan dadku inaysan dareemin in halkii ay ka yimaadeen ay uga wanaagsaneed halkaan dadku waa daalan yihiin aad mas’uuliyad hala iska saaro soo dhaweyntooda”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa u xilsaaran tiri koobka iyo ka warqabka dadka barakacayaasha ku ah gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah dalalka caalamka iyadoo bilaha soo socdo lagu wado in dalka ay soo gaaraan soomali dib kaga soo laabanaysa xeryaha qaxootiga Kenya.



















