Xidiga Antonio Candreva ayaa heshiis afar sano ah u saxiixay naadiga Magaalada Milaano ka dhisan ee Inter Milan sida lagu xaqiijiyay webka kooxda Magaalada Milaano ka dhisan.
Laacibka heerka caalami ee xulak dalka talyaaniga ayaa inter Milan kaga yimid naadiga Magaalada Roma ka dhisan ee Lazio kooxda Inter Milan waxa uu lasii joogi doonaan inta laga gaaraayo 2020-ka.
29-jirkaan ayaa afar sano ku qaatay kooxda ka dhisan caasimada ee Lazio wuxuu webska Inter Milan u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Go’aanka uu ku yimid Inter Milan.

