Wararka ka imaanaya Dalka Dubai ayaa ku waramaya in Diyaarad Ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Emirates Air Ways ay maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Abu Dubai, wax yar un kadib markii ay diyaaradaasi ay garoonka soo cago dhigatay.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Shirkadda oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay In diyaarad ay saarnaayeen rakaab lagu qiyaasay 282-qof islamarkaana ay kasoo duushay Magaalada Trivandrum ee dalka Hindiya waxaana jirin cid wax ku noqotay Diyaarad burburtay.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in qof kamid ah Rakaabka uu diyaarada Gudaheeda ku isticmaalay Sigaar taasina ay keentay Gubashada Diyaarada oo markii dambe ku burburtay isla Garoonka Diyaaradaha magaalada Abu Dubai.








