Cabdiraxmaan Faroole:- Waa Been Abuur Weyn in aan Dalbaday Ciidamo Amaankayga Suga”+Dhageyso

0

Xili Todobaadkii aynu soo dhaafnay warbaahinta qaar ay baahisay in Madaxweynihii  Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamuud Faroole oo ah musharax  u taagan qabashada xilka Madaxweynaha  in uu dalbaday Ciidamo ka Tirsan Amisom ayaa arimahaas waxaa beeniyay isla C/raxmaan Faroole.

Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa been abuurasho weyn ku tilmaamay inuu ciidamo ammaankiisa suga weydiistay taliska ciidanka Amisom iyo xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya inta ay socoto doorashada

Faroole oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay heshiiska doorashada Soomaaliya inay ku jirto musharax kasta inuu xaq u leeyahay in ammaankiisa la sugo islamarkaana doorashadu ka dhacdo goob ammaan ah, wuxuuna si u aad u cambaareeyay saxaafada been abuurkaas ka qortay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here