Dhageyso:-Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo Goordhaweyd Furmay+Sawirro

0

Xarunta Villa Soomaliya waxaa Goordhaweyd ka Furmay shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka Xiligaan ka Jira.

Shirka waxa Furey Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  iyadoo shirkaan uu socon doono Muddo Labo Maalin ah.

Shirka oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Qodobada sidoo kale shirka loogu hadli doono waxaa kamid ah doorka haweenka ay ku yeelanayaan baarlamaanka la filayo, iyo waliba aqalka sare.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxytooyada uu goordhaweyd ka furmay shirka ayaa warbaahinta u sharxay Qodobada loogu hadli doono Shirka.

IB0A2472 IB0A2473 IB0A2475 IB0A2478 IB0A2479 IB0A2483 IB0A2484 IB0A2487 IB0A2489 IB0A2492 IB0A2498 IB0A2501 IB0A2503 IB0A2504

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here