Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubba-lan oo Howlgal ka sameeyay deegaan lagu magacaabo Cabdalla Biroole oo hoostagga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubba-da Hoose ayaa halkaas u dilay afar ka Tirsan Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland Sayid Axmed Carab, oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Cabdala Biroole ay ku dileen 4-ta askari ee ka Tirsanaa al-shabaab iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay qoryo Ak47 ah oo ay wateen raggii la dilay.
“Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa duulay dagaalo ayeey la galeen Shabaab, meeshaas dagaal ayaa ka dhacay waxaan ka dilnay Afar nin qoryo waan soo qabanay, baabuur qof shacab ah uu leeyahay oo xoog ay ku haysteen waan soo furanay,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab ay kaga hadlaan howlgalka loogu dilay 4-askari ee ka Tirsanaa Ciidankooda ku sugnaa Deegaanka Cabdalla Biroole.

