Akhriso  Qodobada la Filayo in Looga Hadlo Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ee Maanta Furmaya

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta la filayaa in uu ka Furmo shirka Madasha Wadatashiga kiisa ugu dambeeyay iyadoo sidoo kale shirka waxbixino loogu dhageysan doono Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee dhawaan la magacaabay.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/Rashiid Cali sharmarke, Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Shiikh Cusmaan Jawaari, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaliya, iyo Jubba-land iyo wakiil ka socda beesha Caalamka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa la xaqiijiyay in uusan kulankaan ka qeyb gali doonin, Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uusan ka qeyb gali doono madaxweyne Guulleed taasi badalkeeda uu matali doono Galmudug Madaxweyne Ku-xigeenka Maxamed Xaashi Crabey.

Halkan Ka Aqriso qodobada la filayo in looga hadlo Shirka goordhaw furmaya

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here