Dawlada Kenya oo ku Eedeysay Al-shabaab in Si Xoog ah ku Askareeyaan Dhalinyarada Kenyatiga ah

0

Hogaamiyaha  ciidamada difaaca ee dalka Kenya Samson Mwathethe ayaa sheegay in Xarakada  al-shabaab ee fadhigoodu uu yahay Somaliya ay ku guuldaraysteen codsiyadii ay u jeedin jireen dhalinyarada si ay uga mid noqdaan Ciidamadooda hadana ay bilaabeen in si xoog ah ay ku askareeyaan dhalinyradaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Kenya uu wajahayo Qatar badan oo ka imaanaysa al-shabaab waxaana uu ku booriyay waalidiinta iyo bulshada in ay ka feejignaadaan.

Bishii May ee sanadkaan 2016-ka dhalinyaro kenyaati ah oo ka goostay Al-shabaab islmarkaana isku dhiibay dawlada Kenya kanasoo jeeday deegaanka Kwale ayaa la sheegay in Al shabaab ay bartilmaameedsadeen islamarkaana ay toogasho ku dileen qaar kamid ah dhalinyaradaas sida saraakiil kenyaan ah ay sheegeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here