Maxkamadeynta 17-askari oo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa wali ka socota Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
17-askari ayaa loo haystaa eedeemo ku aadan in ay si sharcidaro ah ku iibinayeen qalabyo iyo shidaal loo keeno Ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Uganda Brig Dick Olum ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.
Askartaan Maxkamadeyntooda shalay ka bilaabatay xarunta Xalane waxa gacanta kusoo dhigay Ciidamada Booliska dowlada soomaliya xili ay alaabaha loo keeno amisom ay ku iibinayeen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho,

