Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka Ka Jira oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka Jira ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya si ay ugu qeyb galaan shirka Madashada wadatashiga Doorashooyinka oo maalinta bari ah  Furmi doona.

Madaxweynaha Maamulka jubba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axamed Midoobe) iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goordhaweyd lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradah Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed soomaliya, iyo Puntland ayaa iyagana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho  ee caasimada soomaliya si ay ugu qeyb galaan shirka madashada wadatashiga qaranka oo maalinta bari ah ka furmi doona Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta Soomaaliya Mudane  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in shirka uu Muqdisho ka furmi doono 2 Agusta 2016 loogana hadli doono arimaha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale  warbixino loogu dhageysan doono Guddiga Doorashooyinka dalka qaranka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here