Qaramada Midoobe oo Sheegtay in Loo Baahan Yahay in Doorashada ay ku Dhacdo Waqtigii Loogu Talagalay.

0

Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Arimaha Somaliya Michael Keating Ergayga oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo In ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Wakiilka Qaramada MidoobayMichael Keating Ergayga  ayaa Tilmaamay sida uu qabo Dastuurka Somaliya Doorashada inay dhaceyso Bishan August gudaheeda, isaga oo sheegay culeys kasta oo jira inay doorashada ku dhacdo waqtigeeda inay muhiim tahay.

“Sida ku xusan Dastuurka Somaliya Doorashada waxa ay tahay inay dhacdo Dabayaaqada Bisha August Culeyska jira waa in Doorashada ay dhacdo waqtigii loogu talo galay, iyadoo la og yahay inay jiraan dhowr shey oo la doonaayo Dowladda inay qabato ka hor Doorashada inta aanan la gaarin si shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ugu kalsoonaadaan dowladda Federalka Somaliya.”

Wakiilka Qaramada Midoobayooo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in loogu baahan yahay Guddiga Hirgalinta Doorashada oo dhawaan la magacaabay in dhankooda ay soo gudbiyaan waqtiga doorashada si aysan u dhaafin doorashada waqtigii loogu talagalay.

Dhamaadka Bisha August sanadkaan 2016-ka ayaa la filayaa in dalka ay dhacdo  doorashada iyadoo wali aysan jirin diyaar garow ku aadan dhanka doorashada, Guddiga Hiraglinta doorashooyinka oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay soo gudbin doonaan waqtiga doorashada ay dhici doonto iyo goobaha ay ka dhici doonto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here