Wasiirkaan oo saamayn muuqta ku lahaa Xukuumada Koofurta Sudan islamarkaan ahaa xubin katirsan xisbiga mucaaradka ayaa iscasilay waxaana uu sheegay in wadahadaladii nabada ee Tabarta darnaa ay hadda dhinteen ayna tahay in madaxweyne Salva Kiir’ uu xilka isaga tago.
Mudane Lam Akol, ayaa waxaa uu ahaa wasiirka beeraha iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka SPLM-DC.
Akol ayaa sheegay in wax wadahadal nabadeed ah oo ka hirgalay Jubba uusan jirin,waxaana uu hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Ethopia.
Hadalka wasiirkaan xilka ka tegey ayaa sidoo kale imaanaya ayadoo madaxweyne kiir uu sheegay in xilkii ka qaaday madaxweyne ku-xigeenkiisaa Riek Machar.

