Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada xiligaan jirta inay wax ka qaban weyday ammaanka dalka ka hor Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan 2016-ka.
Mudane Maxamed C/laahi farmaajo ayaa tilmaamay in amniga dalka haatan uu yahay mid aad u Qatar badan iyadoo sidoo kale ay wali jirto awoodii Xarakada Al-shabaab oo weeraro ku qaadaya goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowlada soomaliya
“Aniga waxaa ii muuqata runtii in laga gaabiyay amniga, waana dhaqanka Dowladda Xasan Sheekh lagu yaqaano oo waqtigeeda uu dhamaadka yahay dhanka Siyaasada ayuu ka gaabiyay, Madaxweynaha ayaa qirtay maalin dhaweyd markii uu ka hadlaayay waxbarashada sheegay in Dowladda dhanka Siyaasada ay ka gaabisay.” Ayuu yiri Farmaajo.

