5-Askari oo ka Tirsan Ciidamada Amisom oo Muqdisho Lagu Maxkamadeynayo

0

xarunta Xalanee Magaalada Muqdisho  waxaa haatan ka socota Maxkamadeynta Askar ka tirsan Ciidamada Midowga afrika ee amisom oo ciidamada amaanka dowlada soomaliya ay soo qabteen iyagoo Gudaha  Muqdisho ku iibinaya Shidaal iyo Qalabyo kale oo loo keeno AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee la maxkamadeynayo maanta  ayaa gaaraya tiro ahaan ilaa iyo 20 askari, waxaana mid mid loo weydiinayaa Su’aalo, iyadoo wali ay socoto maxkamadeyntooda

06/05/2016-ka ayay aheyd markii ciidamada Booliska dowlada soomaliya ay gacanta ku dhigeen Askartaan iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee  aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale lala soo qabtay 10-qof oo soomali ah oo gacan ku siinayay iibinta qalabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here