Guddomiyaha gobolka Gedo Ahmed Bulle Canjeex oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo uu kamid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-land maxamuud sayid aadan in ay iibsadeen raashin gar-gaar ahaa oo loogu talagalay shacabka ku nool Gobolka Gedo.
Mudane Ahmed Bulle Canjeex waxa uu tilmaamay in raashinka laga soo dajiyay Dekadda weyn ee Magaalada Kismaayo islamaarkana lagu iibsaday islama Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waa siduu hadal u dhigee.
Balse Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-land maxamuud sayid aadan oo kamid ah Mas’uuliyiinta lagu eedeeyay arintaas ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay in mas’uuliyiin uu isaga kamid yahay ay Magaalada Kimaayo ee Gobolka jubada Hoose ku iibsaday raashin gar-gaar ah oo ka yimid dowlada Turky-ga oo loogu talagalay dad soomaliyed ee ku nool Gobolada dalka soomaliya.
Maxamuud sayid aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeentaas ay tahay mid aan waxba ka jirin islamarkaana uusan iibsan raashin gar-gaar ahaa oo ka yimid dhanka dowlada Turky-ga oo loogu talagalay shacabka soomaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo maamulka Jubba-land uu ka arimiyo.
Dhanka kale waxaa jira saakay xiisad ka dhalatay xil ka qaadis uu Madaxweyne ku-xigeenka Jubba-land Maxamuud sayid aadan uu ku sameeyay Guddomiyihii Gobolka Gedo Ahmed Bulle Canjeex.

