Haweenka G/Banaadir oo Sheegay in aysan Suura Gal Noqon Doonin in La Duudsiiyo Xuquuqdooda+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab  oo u Warantay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Wax la Xishoodo ku Tilmaantay Hadal ka Soo yeeray Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Qaranka Soomaaliya oo ahaa in Haweenku aysan ku jirin Tartanka Kuraasta Golayaasha Dowlada Cusub ee la Soo Dhisi doono Dhamaadka Sanadkaan 2016.

Gudoomiye Jawaahir ayaa Sheegtay in Horey Madasha Wada Tashiga Qaranka Soomaaliya ay Xaqireen Gobalka Banaadir oo ay Xustay in la Duud siiyay Bulshada Caasimada Muqdisho Xubnihii ay ku yeelan la hayeen Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cusub ee Dalku uu yeelanayo waxa ayna intaa hadalkeeda ku sii dartay Haweenku ay Xaq u leeyihiin inay kaalin muuqata ku yeeshaan Doorashooyinka dalka sanadkaan 2016-ka.

Hadalka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab   ayaa kusoo beegmaya xili shalay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle  uu sheegay in haweenka aysan ku jirin tartanka Kuraaska Golayaasha Dowlada Cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here