Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban oo ka Hadlay Waqtiga ay Dhici Doonto Doorashada Soomaliya

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ayaa maanta shir saxaafadeeda ku qabtay Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya iyagoo faahfaahiyay holwaha guddiga horyaala oo ah qabashada doorashada sanadkaan 2016.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle ay warhaabinta u sharxay holwaha guddiga horyaala oo ah qabashada doorashada sanadkan 2016-ka iyo sida uu Guddiga u wajihi doono Howlaha.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in guddiga oo ka kooban 22 xubnood loo qeybiyay guddiyo kala duwan oo ay kamid yihiin; Guddiga Warbaahinta iyo Wacyelinta, Guddiga xalinta khilaafaadka, Guddiga Amniga iyo Guddiyo oo dhammaan ka wada shaqeeya Hirgelinta Doorashooyinka dalka.

Abuukaate Cumar Dhagey ayaa sidoo kale sheegay in doorashada sanadkan 2016 aysan jirin sharci dalka u yaala oo lagu shaqeynaayo hase ahaatee ay ku shaqeyn doonaan heshiiyadii Hogaamiyayaasha Madashada Wadatashiga Qaran ay wada saxiixeen dhawaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa wax laga weydiiyay waqtiga doorashada la qaban doono iyo hadii uu jiro dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay doorashada, isagoo sheegay in sida ay doorashada u dhacayso iyo waqtiga la qaban doono maalmaha soo socda la kala ogaan doono.

“Howlaha Guddiga uu qaban doono waxaa sidoo kale kamid ah sidii guud ahaan maamulada dalka ay ugu qabsoomi la heyd doorasho lagu kalsoon yahay oo hufan iyadoo aysan jiri doonin wax khilaaf ah ayuu yiri”, Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadbaAbuukaate Cumar Dhagey.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here