Pope Francis oo Dhaleeceeyay kuwa Diinka Islaamka ku Tilmaama Diin Argagixiso ah

0

Pop-ka dalka France Pope Francis ayaa dhaleeceen u jeediyay kuwa diini islaamka mar walba ku tilmaama in ay tahay mid argagixiso ah kadib markii weeraro argagxiso ay Todobaadyadii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen qaar kamid ah dalalka Qaarada Yurub.

“Uma maleynayo sax iney tahay in loogu yeero diinta islamka rabshad. Tani ma aha oo kaliya khalad waa cadaalad daro, “ayuu u sheegay suxufiyiinta maalintii axada  aheyd.

“Hadii diinta islaamka aad dhahdaan waa mid fowdo ah, diinta Catholic-ka  waa mid fowdo ah ayaan dhahayaa, labada Diin waa kuwa la aaminsan yahay, ma ahan kaliyah in diinta islamaan lagu tilmaamo diin argagixiso ah ayuu yiri Pop-ka dalka France Pope Francis.

Wadaadka ayaa ka jawaabayay su’aal ku saabsan dilkii dhawaan 26 dii July lagu dilay 85-sano jir wadaad Roman Catholic ah oo lagu weeraray mindi- kaniisadda ku taalo galbeedka dalka France weerarkaasi ayaa wadaadka lagu qasbay inuu jilbaha dhulka dhigto halkaaso cunaha ka bireeyeen ama lagu qowracay .

Baadariga weeyn ayaa sheegay in diinta kasta waxay leedahay “koox yar oo qaswadayaal ah “Waan leenahay sidoo kale ,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray haddii uu ka hadli lahaa “rabshadaha Islaamka, waa inuu ka hadlaa rabshadaha Christianka” sido kale.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here