Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa maanta ku raacday Maxkamadda Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida oo horey xukuno dil ah ugu riddey labo askai oo ka Tirsanaa ciidanakada dowlada soomaliya
Labada askari ee la xukumay ayaa kala ahaa; Axmed Cabdi Maadeey iyo Xuseen C/laahi Cumar oo loo yaqaanno Khayre, kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ee ciidamada qalabka sida ay ku soo oogtay dacwad ah in ay geysteen fal dambiyeed dil ah.
Xuseen C/laahi Cumar ayaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu heley in uu ka dambeeyay dilka Saciid Nuur Shire oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida,
Sidoo kale Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 13/03/2016 waxaa ay, dable Booliis Axmed Cabdi Maadeey ku xukuntay in uu bixiyo 100 halaad oo ah diyadii Marxuum Maxamed Cali Cabdalla, kadib markii maxkamaddu ku heshay falkaasi.
Labada eedeysane ayaa racfaan ka qaatay xukun ay Horey ugu riddey Maxkamada darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ayaa ku raacday Go’aanka dil ay riddey Maxkadamada Darajada Kowaad.
Xukunta Maxkamadda sare ciidamada qalabka sida waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Liiban cali Yarow

